Sign in to follow this  
Deeq A.

Mawqifka Xisbiga Waddani ee Wada Hadalka Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Mawqifka Xisbiga Waddani ee Wada Hadalka Somalia

Shir jaraa’id oo Dr Cabdiraxmaan Cirro qabtay 30-kii bishii April wuxuu shuruudo ku xidhay wada hadalka Soomaaliya oo uu sheegay in aanay suuro gal ahayn in xilligan oo aanay bulshada Somaliland gudaha ka midaysnayn lala galo xukuumadda Muqdisho “Dal shacbigiisu marka uu aammino dawladdiisa iyo hay’adihiisa dawladda dhammaan wuxuu u hoggaansama amarrada iyo shuruucda ka soo baxda laakiin, marka uu lumiyo aamminaadda xukuumadda waxa bilaama burburka dalalkaas waanay soo wada mareen (Dunida). Xukuumadda Somaliland iyada oo leh boqolkiiba konton(50%) shacbiga waan ka maarmay oo aan rumays nahay 50%-ka ay tirsanaysaana in aanay maanta kalsooniba ku qabin waxaan qabaa in aanay ahayn wakhtigii ugu haboona ee ay bilaaman wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Xisbi ahaan Anaga oo mabda ahaan ogol in la wada hadlo haddana waxa ka horeeya in aynu gurigeena hagaajino, in aynu shacbiga midayno, in aynu tacadiga, xeer jebinta iyo ku tumashada shuruucda, jidh dilka shacbiga iyo xadhigga ka dayno oo inaga oo midaysan oo shacbigu gudaha ka midaysan yahay ayuu gali kara in uu la hadlo. Marka ay ku haboonaato in wada hadal la galo waxa loo baahan yahay in qorshihii hore iyo istaraatijiyaddii hore wax laga bedelo loona diro dad ka midho dhalin kara, wada hadal kasta oo la galayana waa in ay u dhammaadaan metelayaasha shacbiga oo uu ka mid yahay xisbiga WADDANI,” ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this