Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Baydhabo oo looga dhawaaqay war cusub oo la xiriira sii daynta Mukhtaar Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   

 Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa fashil kusoo dhamaaday wadahadalo lagu doonayo in lagu sii daayo Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo mar xubin sare kasoo noqday Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalamo Soomaaliya iyo wadamo ka tirsan geeska Africa.

Waxaa si rasmi ah u xaqiijiyey inuu isku daygaan fashilmay guddi loo xil saaray inay ka qeyb qaataan dadaaladaas lagu soo sii deyn rabay Roobow.

Guddiga oo Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed kulan ku yeeshay ayaa sheegay inuu fashilmay wadahadalkaas, waxayna Mas’uuliyadda fashilkaas dusha uga tuureen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay inay suurtageli weysay ballan qaadkii ay sameeyeen Madaxweynaha Koonfur galbeed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa in lasii deyn doono Roobow ama ay iyaga ka tanaasuli doonaan xilka ay hayaan.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay inay suurtageli weysay ballan qaadkii ahaa in magadhow laga bixin doono  dadkii ku dhintay rabshadihii Baydhabo.

Malaaq Cali Boor iyo Xildhibaan Maxamed Cadow oo ka mid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa  si rasmi ah ugu dhawaaqay inay ka quusteen soo deynta Roobow Abuu Mansuur.

Waxay labadaba Dowladda ku eedeeyeen inay ka baxday ballamo badan oo ku aadan sidii xoriyadiisa dib loogu soo celin lahaa Roobow.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka kasoo baxay Guddiga

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Dhageyso-Wadahadallo-lagu-sii-deyn-lahaa-Muqtaar-Roobow-oo-fashilmay-Radio-Risaala-Somali-News-Online.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this