Sign in to follow this  
Deeq A.

Madax goboleedyada iyo madaxda Df Soomaaliya oo isku afgartay dhowr qodob

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegayo inay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay inta badan isaga soo dhawaadeen qodobadii la isku heystay.

Shabakadda Caasimada Online ayaa heshay qaar ka tirsan qaar ka mid ah qodobadii illaa hadda la isku afgartay in kastoo aysan weli aheyn kuwa la saxiixay balse la filayo inay kamid noqdaan qodobada war-murtiyeedka lagu soo saari doono.

Mas’uul ka tirsan xubnaha ka qeybalayo shirka ayaa qodobadaan ku sheegay inay yihiin kuwa illaa xad la mabda’ ahaan la isku afgartay balse weli laga wada-hadlayo faa-faahinnada dheeraadka ah

Qodobadaas ayaa kala ah:

  1. In dib loogu noqdo xeerarka doorashooyinka iyo Patrol-ka oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya lana horgeeyay baarlamaanka.
  2. In meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish iyadoo ay hogaamin doonto Dowladda Soomaaliya.
  3. Sameynta Gole Iskaashi oo ay ku mideysan yihiin Dowladad Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada kuwaas oo 3dii bil mar kulma.
  4. In si deg deg ah loo bilaabo wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland si hore loogu socdo Dowladda Soomaaliyana ay dar dar geliso wadahadalada.
  5. In muddo kordhin hal sano ah looga daro Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” lagana dul qaado culeeska ay ku heyso Dowladda Soomaaliya.
  6. In ay wadashaqayn dhow yeeshaan Wasaaradaha heer dowlad dhexe iyo heer federaal iyagoo qaadan doono kulamo joogto ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this