Deeq A. Posted May 7, 2019 Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Xaley Madaxweyne Farmaajo ka hor istaagey Kulan Balaaran uu la yeelan lahaa Bilshada Rayidka ku sugan Garoowe ka dib markii uu Saciid Dani ku andacoodey in weli la dhameyn Khilaafkii Dowladda iyo Maamulkiisa Arrintaan waxay i soo Xasuusisey markii Dowlada Federaalka ay horey uga hor istaagtey Dhowr Shirar uu qabsan lahaa Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur marka sow uma muuqata kulanka Madaxweyne Farmaajo la joojiyey in uu soo dedejiyey Nabsigii laga galey Cabdiraxmaan marka wixii aad hore u sameyseen ayaa markiinii la idiin ku Sameeyey sidaa Darteed Mar waliba Caburinta ma fiicna Dhinaca Kale marna isma oran Madaxweyne Farmaajo ayaa Tuulo lagu Qash Qashaadi doonaa waana ayaandaro ku dhacdey Dowladnimadeenii in Madaxweynihii Qaranka laga hor istaago Kulan uu la qaadan Bulshada Rayidka Soomaalidu waxay Tiraahdaa Lax Waliba Shilalkey is dhigto ayaa lagu qalaa marka Madaxweyne adigaa la shirey Gudoomiyayaal Gobol ka Xaab Xaabi Qore: Amiin Yusuf Qasaaro Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites