Deeq A. Posted May 7, 2019 Balcad (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in maanta Ciidamada dowladda ay dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo Milatari ay ka wadaan deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolkasi. Howlgallada ayaa si gaar ah Ciidamadu waxa ay uga fuliyeen deegaanada Raas Qabow iyo Yaaqle ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Intii ay socdeen howlgalladan ayaa waxaa ay Ciidamada Milatarigu iska hor imaadyo kala kulmeen Dagaalyahannada Al Shabaab oo ku xoogan halkaasi. Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaallada dhex maray labada dhinac. Dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda ay ku dagaalameen duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites