Deeq A. Posted May 7, 2019 Muqdisho (SMN) – Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa soo bandhigtay Sawirrada qaar ka mid ah saraakiil ka tirsanaa Al Shabaab oo ay sheegtay in ay isku soo dhiibeen Ciidamada dowladda Soomaaliya. NISA ayaa boggeeda Twitter-ka ku baahisay in todobaadyadii la soo dhaafay gobolka Gedo ay iska soo dhibeen illaa 9 sarkaal oo ka tirsanaa Al Shabaab. Hay’addu ma shaacin magacyada xubnahaasi, marka laga reebo Sawirrada labo sarkaal oo ay tilmaamtay in Xarakada Al Shabaab ay u qaabilsanaayeen maktabka Dacwada (Propagandada) iyo Maktabka Fursaanul Xizbiga “Sagaal (9) sarkaal oo Al Shabab ah ayaa asbuucii la soo dhaafay iska soo dhiibay gobolka Gedo. waxaa ka mid ah laba sarkaal oo kala qaabilsanaa Maktabka Dacawada( Propagandada) iyo Maktabka (Fursaanul Xizba)”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay taliska NISA. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, xilli muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ay sare u qaadeen howlgallada milatari ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites