Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Tirada saraakiisha Shabaab ee asbuucan isku dhiibay DF oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gedo (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa soo bandhigtay tirada Saraakiisha Al Shabaab ka tirsan ee todobaadkaan isku dhiibay ciidamada xooga dalka.

Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in sagaal kamid ah saraakiisha Al Shabaab ay isku dhiibeen ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolka Gedo, kuwaasi oo xilal kala duwan u hayay Al Shabaab.

NISA ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirada labo kamid ah saraakiisha Al Shabaab ee isku dhiibay ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolka Gedo.

Labo ka mid ah Raggaas oo sawirradooda lagu baahiyay Bogga Twitter-ka ee NISA ayaa lagu kala sheegay in ay  kala hayeen xilalka maktabka Dacawada Xizbada iyo Maktabka (Fursaanul Xizba).

NISA ayaa marar badan shaacisay in howlgalo ciidamada amaanka ay sameeyeen lagu qabtay saraakiil ka tirsan Al Shabaab, walow aanan lasoo bandhigin magacyadooda iyo sawiradooda.

Balse waa markii ugu horeysay muddo kadib hay’adda NISA ay soo bandhigto sawirada xubno ka tirsan Al Shabaab oo isku dhiibay ciidamada xooga.

NISA.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this