Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabeellada Dhexe: Al-shabaab Oo Sheegatay Iney Saraakiil Ka Dileen DF iyo Villa Somalia oo Aamusan

Recommended Posts

Deeq A.   

Al-shabaab ayaa sheegatay isniintii iney saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ku dileen gobolka Shabeellada dhexe gaar ahaan deegaan u dhaxeeya Balcad iyo Xawaadley.

Qoraal ay faafiyeen waxaa ku jirtay iney dileen abaanduulihii guutadaha 2aad ee ciidamada ahaana ku-simaha taliyaha guutada Gaashaanle dhexe Cali Cariif iyo 10 kale.

Isla qoladan waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas ay ku dhaawaceen ku-xigeenka abaanduulaha Cabdi Kariim Hilowle iyo sidoo kale iney gubeen 3 gaadiiid.

Dhinaca kale, xukuumadda federaalka ah iyo hey’adaha amniga weli wax war ah kama soo saarin arrintan ay sheegatay Al-shabaab. Ma jiraan ilo madaxbannaan oo Goobjoog News u xaqiijiyey.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this