Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaqiiq: Tirada Shaqaalaha Rayidka Ee Dowladda Federaalka Ah iyo Puntland Oo Isku Mid Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee dowlad goboleedka Puntland Jaamaca Faarx Muuse ayaa sheegay in shaqaalaha  Puntland inta badan la diiwaan galiyay loona sameeyay kaarar aqoonsi ah.

Mudane Jaamaca Faarx Muuse oo ka hadlayey shaqaalaha rayidka ee Puntland ayaa sheegay “Shaqaalaha rayidka ah ee biometric lagu sameeyey ee hadda miisaaniyadda dowladda ku jira ee ay leedahay dowladda Puntland ilaa 5,500”.

Dhanka dowladda federaalka ah , tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa la qorayey shaqaale aan rasmi aheyn, kuna jirin miisaaniyadda dowladda.

Shaqaalaha rasmiga waa intii ay ka tagtay dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh, tirada rasmiga ah ee shaqaalaha rayidka dowladda federaalka ah waa: 5,526 oo kala ah: Garade (A): 2502, (B): 1527, (C): 995, (D) 502,

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this