Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya duqeymo ka dhacay G/Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo saacadihii la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay xubno ka tirsan Daacish oo ku sugnaa dhulka Buuraleyda ee gobolkaasi.

Lama  oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ururka Daacish ka soo gaaray duqeyntaasi

Dhanka kale war ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa waxaa looga hadlay duqeymo diyaaradahoodu ay ka fuliyeen deegaanka Tooratoorow oo hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

AFRICOM ayaa shaacisay in duqeyntaasi ay ku dileen illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi.

Inta badan Mareykanka ayaa koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ka fuliya weeraro ka dhan ah Al Shabaab iyo faraca Daacish ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this