Deeq A. Posted May 7, 2019 Balcad (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Yaaqle oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Al Shabaab oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegtay in ay ku dileen Abaanduulihii Guutada labaad ee Ciidamada dowladda Gaashaanlle Dhexe Cali Cariif , kuna dhaawaceen ku xigeenkiisa Cabdikariim Hilowle. Sidoo kale Al Shabaab ayaa baahiyay in dagaalkani ay ku dileen illaa 11 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda war faah faahsan dowladda federaalka Soomaaliya kama bixin dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan,sida ay soo warinayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites