Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo ka hadlay dagaal ka dhacay Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Yaaqle oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa waxaa la sheegay  in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Al Shabaab oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegtay in ay ku dileen Abaanduulihii Guutada labaad ee Ciidamada dowladda Gaashaanlle Dhexe Cali Cariif , kuna dhaawaceen ku xigeenkiisa Cabdikariim Hilowle.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa baahiyay in dagaalkani ay ku dileen illaa 11 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.

Illaa iyo hadda war faah faahsan dowladda federaalka Soomaaliya kama bixin dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa saaka dagan,sida ay soo warinayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this