Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Garowe oo lagu soo qaaday Khilaafka DFS iyo Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Waxaa magaalada Garowe weli ka soconaya shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleeyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoominaya shirkan ayaa warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo dhaqaale ee dagaannada waxa uu ka dhageystay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada.

Kaddib intaas, madaxdu waxa ay guda galeen in ay ka wada hadlaan arrimaha masiiriga ah ee dalka oo ay ugu muhiimsan tahay xoojinta wada shaqeynta, horumarinta dhaqaalaha iyo la dagaallanka Al Shabaab.

Jawiga guud ee shirka ayaa u muuqda mid xoojinaya isu soo dhawaanshaha Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Goboleedyada, iyadoona aysan ka muuqan shirka gacan saddexaad oo ku dhex jirta hoggaanka Soomaalida, waana arrin  si weyn loo hadal hayo, rajana ay ka muujiyeen qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed shirkan uu miro dhal wanaagsan ku yeesho dadaallada horumarineed ee dalka.

Waxaase jira weli qodobo ismari waa uu ka taaganyahay , oo qaarkood ay soo hor dhigeen Madax Goboleedyada Puntland , Jubbaland iyo  Galmudug  Masuuliyiinta dowladda Somalia.

Arrimahaas ayaa waxaa ka mid ah in dowladda Somalia ay u soo jeediyeen Maamulada aan kor ku soo xusnay in ay joojiso fara galin ay sheegeen in ay ku heyso Galmudug.

Waxaana la soo warinayaa in Madaxweynaha Somaliya iyo RW Xasan Cali Kheyre Labaduba aqbaleen in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf  hase ahaatee waxaa Madaxda dowladda federaalka Somalia ay gaashaanka u daruureen in Madaxweyne Xaaf uu Galmudug majaraha u sii haayo 3 Sano oo hor leh iyagoo xoojiyay in waqti kororsi aan la aqbali Karin  sida ay tilmaamayaan ilo wareedyo Shabelle ay ka heshay Madasha Shirka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this