Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Madaxweyne Farmaajo oo laga joojiyay kulan dadweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
KULAN-BAAQDAY.jpg?w=1000&ssl=1Boorka kulanka la joojiyay

Xukuumadda Puntland ayaa madaxweynaha Soomaaliya ka joojisay , kulan dadweyne oo uu xalay ku qaban lahaa, hotel ku yaalla magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Kulankan oo sida boorkiisa ku xusan  ay soo qaban-qaabisay, xarunta cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives oo fadhigeedu yahay Garoowe, ayaa sida la sheegay ku saabsanaa, hannaanka  doorashooyinka dalku wajahayo iyo doorka bulshada rayidka ah.

Balse, warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dabada ka riixayay kulankaasi uu qorshe hoose ka watay, balse ay ka sii war heshay xukuumadda Puntland, islamarkaana ka joojisay.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Xafiiska madaxweyne Farmaajo oo dabada ka riixayay kulankaasi, uu doonayay in uu ku soo bandhigo ismuujin siyaasadeed iyo taageerayaal la soo abaabulay, kuwaasi oo aad ugu sacabbiya madaxweynaha, si weji-gabax loogu rido xukuumadda Puntland,xilli aan weli laga heshiin khilaafka labada dhinac.

Sidoo kale, kulankaasi ayaan lagu war-gelin mas’uuliyiinta Puntland, inkastoo sida la sheegay ay ka sii war hayeen.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Madaxweyne Farmaajo oo laga joojiyay kulan dadweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this