Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Hay’adaha amniga oo shaqaalaha rayidka ah ee DF ku billaabay baaris

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreeyay baaritaan ku bilaabay shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah shaqaalaha Dowladda.

Baaritaankan ayaa bilaawday axaddii, waxaana lagu bilaabay shaqaalaha Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya iyadoo ay maanta wali sii socoto.

Dadka lala kulmay ayaa la waydiiyay su’aalo badan oo qaarkood aad u adkeeyeen lamana oga sababta dhalisay waxaana la sheegay in baaritaankaan la marsiin doono dhamaan shaqaalaha Dowladda.

Qof kasta oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda arimaha bulshada ayaa la weydiiyay, goorta uu dowladda kamid noqday, cidda keentay, qabiilkiisa, iyo in uu ogolaado in la baaro dhamaan Akoonadiisa Internete-ka sida Facebook, Whatsapp, Massenger, Imo, Viber, Email iyo adeegyada kale ee Internete-ka.

Dadka qaar ayaa markii intaas laga baaro la waydiinayay hadii ay jirto qof ay qaraabo yihiin ama ay is yaqaanan oo katirsan Al-Shabaab, islamarkaana xariir la soo sameeya, sidoo kale waxaa dadka la waydinayay in uu qaban karo shaqo kasta oo loo diro iyo hadii uusan qaban karin, waxaa la waydiinayay “ma qaban kartaa shaqa kasta oo laguu diro xataa arimaha amniga” shaqaalaha ayaa ku jawaabay haa intii hada martay baaritaankaan.

Sidoo kale shaqaalaha baaritaanka maray ayaa loo sheegay in aysan arrintan qofna la wadaagin xataa kuwa la shaqeeya ee dowladda katirsan iyo qoyskiisa.

Lama oga sababta arintaan keentay balse waxay walaac ku abuurtay shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya. Arintaan ayaa abuurtay in dowladda Soomaaliya ay ka shaki ka qabto shaqaalaheeda taasna ay keentay in la baaro.

Ilaa ma jirto Ciidamo kamid noqday baaritaanka waxayna wararku sheegayaan in aysan Ciidamadu ku jirin baaritaankaan. Si rasmi ah looma oga sida uu xaal noqon doono iyo halka ay wax ku dambeyn doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this