Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegtay inay dileen abaan-duulihii guutada labaad iyo dagaal culus oo dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal maanta gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab, meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dawladda ay weerar ku qaadeen fadhiisin ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab oo ku yaalla goobta lagu magacaabo Ceel-Geelow una dhow degaanka Yaaqle.

Dagaal qaraar oo halkaasi ka dhacay kadib ayaa la sheegay in ciidamada dawladda ay dib usoo gurteen.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegay in baabuur ay saarnaayeen saraakiil ay ku qarxiyeen miinooyinka dhulka lagu aaso.

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in ilaa afar askari ay dhinteen. Sida ay sheegayaan wararka dhinaca amniga waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba ka mid ah saraakiisha ciidanka iyo xubno ka tirsan ciidamada dawladda.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaasi ay ku dileen abaanduulihii guutada labaad ee ciidamada xooga dalka oo magaciisa lagu sheegay Cali Khaliif iyo ku xigeenkiisii oo magaciisa lagu koobay Cabdikariin Hilowle.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka maanta ay ku dileen 11 kamid ah ciidamada xooga dalka, isamarkaana ay ku gubeen seddex kamid ah gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan.

Deegaanka maanta dagaalka uu ka dhacay ayaa ku dhow deegaanka Xawaadleey oo horaantii bishii Maarso Al Shabaab ay qabsadeen.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo Al Shabaab ay qaadeen bishaan Ramadaan oo maanta kow aheyd.

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Balcad
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this