Deeq A. Posted May 6, 2019 Waxaa magaalada Garowe ka soconaya maalintii 2aad shirka wadatashiga qaran ee madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleeyda iyo maamulka gobolka Banaadir. Ajendaha shirka lama soo bandhigin, waxaana socdo wadatashiyo u dhaxeeya madaxda federalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada oo la xiriirka hindise sharciyeedyo dhowaan la meel-mariyey sida axsaabta iyo doorashooyinka. Waxaa kale oo ay dood ka jirtaa arrimaha dastuurka, Kheyraadka sida shidaalka iyo xuduudaha taasi oo dhaceysa in xalkooda ay muddo qaadato. Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isul wasaarihiisa Kheyre ayaa lagu cadaadinayaa iney qaataan dhabbo cusub oo dalka lagu hagayo dhanka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites