Deeq A. Posted May 6, 2019 Qaar ka mid ah siyaasiinta ka soo jeeda deegaanada Jubaland ee u sharaxan xilka Madaxweynaha Jubaland ayaa maalmihii la soo dhaafay walaac xooggan ka muujinayay guddoonka Guddiga Doorashada ee Jubaland. Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Maamulka Jubaland Xamse Cabdi Barre oo VOA-da Waraysi siiyay ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan diyaar garowga doorashada Madaxtanimo ee dhwoaan la filayo inay ka dhacdo Maamul Goboleedka Jubaland. Wariyaha VOA ee Nairobi, Khadar Maxamuud Xareed oo Gudoomiyaha kula kulmay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu ugu horayn waydiiyay bal inuu faah faahin ka bixiyo sida ay wax u socdaan hadda. Read More Share this post Link to post Share on other sites