Sign in to follow this  
Deeq A.

Saldhigyo ay Shabaab iyo Daacish ku sugnaayeen oo duqeymo lala eegtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaarado dagaal ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo gobolka Bari.

Diyaaradaha dagaalka ayaa duqeyn ka geystay saldhigyo kooxda Daacish ku lahaayeen gobolka Bari ee Puntland, waxaana duqeyntaasi lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsan kooxda Daacish.

Duqeymaha ugu badan ayaa ka dhacay deegaanada buuraha ah ee Isha Gaaca iyo Moqor oo qiyaastii 75km dhanka bari ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana ku sugnaa xubno ka tirsan Kooxda Daacish.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada maamul Goboleedka Puntland ee ku sugan dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegeen inay ka war hayeen duqeyntaas,isla markaana lagu waxyeeleeyey Xubno ka tirsan Kooxda Daacish.

14-kii Bishii April ee Sanadkaan ayaa duqeyn diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ay ka fuliyeen deegaan lagu Magacaabo xariiro oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa waxaa lagu dilay kuxigeenkii hoggaamiyaha Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay duqeymo ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Duqeynta ayaa lala eegtay saldhigyo ciidamada Al Shabaab ku lahaayeen deegaan hoostaga degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this