Deeq A. Posted May 6, 2019 Muqdisho (SMNN ) – Waxaa caawa si rasmi ah u bilaabanaya tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Tartanka oo sanadkan leh xiiso badan ayaa waxaa ku loolamaya illaa 16 Degmo oo kala tirsan gobollada dalka. Maxamed Axmed Maxamed Jimcaale Agaaasime ku xigeenka Idaacadda Shabelle, ahna guddoomiyaha guddiga ee tartanka ayaa ka warbixiyay qaabka ay isugu dhacayaan degmooyinka ka qeyb galaya Barnaamijka. Sidoo kale Jimcaale ayaa carabka ku dhuftay in Caawa lagu furayo tartanka degmooyinka Baraawe iyo Kaxda oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/ Hoose. Shabelle waa Idaacaddii ugu horreysay ee bilowda tartan Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana sanadkan taaba galinaya shirkadaha Beco iyo Kooka Koola. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/ccc.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites