Sign in to follow this  
Deeq A.

Deegaano ka tirsan Galmudug oo maanta aan laga sooneyn (Sabab)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalooyin ka tirsan Galmudug ayaa sheegaya in maanta aan laga sooneyn maalinta Koowaad ee Bisha Ramadaan.

Wararka aan ka heleyno magaalooyin Dhuusomareeb, Guriceel iyo Xeraale ayaa sheegaya in maanta aan halkaasi gabi ahaanba laga sooneyn maalinta Koowaad ee bisha Ramadaan, sida dadka deegaanka laga soo xigtay.

Qaar kamid ah culumada ku sugan deegaanadaasi ayaa sheegay in bisha Ramadaan aysan arkin, islamarkaana maanta sidaasi darteed u soomi waayeen.

“Culumada waxay sheegeen inay aragti ku soomayaan aragtina ku furayaan, sidaasi daraadeed maanta lagama soona Dhuusomareeb, Guriceel iyo Xeraale”Sidaasi waxaa yiri Wariyaha Caasimada Online ee Galmudug.

Inta badan bisha Ramadaan deegaanada maamulka Ahlu sunna ayaa ka hara shacabka Soomaaliyeed, iyadoo taasi aysan aheyn markii ugu horeysan.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeey bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana la ogeyn sababta shacabka Deegaanada Galmudug ku dhaqan aysan u raacin Ummadda Muslimiinta.

Walow Degmooyinkaasi aan la sooneyn haddana waxaa maanta maalintii koowaad laga sooman yahay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this