Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Maraykanka oo duqeeyay malayshiyaadka Daacish ee ku sugan gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanayaa buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay shalay duqeymo ka geysteen diyaaradaha dagaalka Maraykanka.

Duqeynta oo sida la sheegay lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish ayaa lagu garaacay buuraha Isha Gaaca iyo Moqor qiyaastii 75km dhanka bari ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Balse waxaan weli faahfaahin laga helin in khasaare ka dhashay duqeyntaasi iyo haddii uu ka dhashay inta uu le’egyahay midna.

Duqeynta ayaa ku soo beegmatay iyadoo halkaasi ay maalmihii u dambeeyay hawlgallo xiriir ah ka wadeen ciidanka PSF ee dowladda Puntland  oo dagaal kula jira Daacish iyo Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Diyaaradaha Maraykanka oo duqeeyay malayshiyaadka Daacish ee ku sugan gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this