Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo qorsheyneysa in ay xilka ka qaado taliyaha hay’adda socdaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa noo xaqiijiyay in dhowaan xilka laga qaado doono taliyaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi.

Dadkaan aan la hadalnay ayaa noo sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheysay xil ka qaadista Koofi dhowr bilood ka hor balse ay dib u dhigtay markii hakad ku yimid bixinta Baasaboorka Soomaaliya.

Lama oga qofka lagu badali doono balse waxaa la sheegayaa in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay sarkaalkii lagu badali lahaa taliyaha socdaalka Maxamed Aadan Koofi.

Koofi oo markiisii hore Al-Shabaab ka tirsanaa ayaa dhowrkii sano uu halkaasi joogay waxyaabo badan ka qabtay waxaana la sheegaa in uu soo nooleeyay baasaboorka Soomaaliya.

Dowlado badan ayaa aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliga halka qaar kalane ay sheegayn in dhowaan ogolaan doonaan Baasaboorka Soomaaliga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this