Deeq A. Posted May 5, 2019 Gabayga Magaciisu waa KUMAA GOBA-KUMAA GUNA, wuxuu si qotodheer u taabanayaa sifooyinka gobanimo iyo gunimo ay kala leeyihiin iyo in cadaalad daradu ay ka mid tahay sifoyinka gunimada, gobanimadana lagu kasbado sharaf aduun iyo mid aakhiroba. Sidoo kale wuxuu xusayaa dhawr Abwaan magacyadoodii (AHN) iyo xasuus reebyadoodii. Waxa kala oo uu gabaygu ka digayaa kana talo bixinayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta cadaalad darada, u sinaan la’aanshaha iyo ku tagri falka hantida umada. Hal-abuur: Omar Ali Abdi Magaca gabayga: KUMAA GOBA-KUMAA GUNA Epost:Omar.A.Abdi@gmail.com Taariikh: 05.05.2019 Aduunyadan samii gaabiyee xumuhu goobyaali Caqli gudhan wakhtiga kaa galaa waa gu kaa lumaye Waa geed qalalay aad caleen goobi dhaladiiye Tusaaluhu kuwuu gaar uyahay ways maan garane Gunimiyo waxay gobi tahaan kuu yar guud mariye Bal gudoon war gowdhliyo afxumo waa la gubanaaye Gobanimadu waa shay islaam loo garwaaqsadaye Waa waajibaad gaara iyo gudasho towxiide Galad weeye Eebuhu baxshoo gaar u leeyahay Ma goblamo midkii uu ilaah ugu gargaaraaye Guuluhu midkuu saamaxaa gaadha sharaftaase Marna nabada waa mid u guntaday gogoshu seexdaaye Godob li’ida weeyiyo waxaan shilimo goyneyne Gasiinkaa macaan kuu noqdiyo gama leylkiiye Gaadh iyo marwaa kuu difaac guudka kaa jira’e Gaashaan waxay kaaga tahay gocor tilmaantiise Magan loo gargaariyo marwaa kii magayno ahe Oo waa guul la soo hoysan karo goor cidhiidhi ahe Go’aan waa qadhaadh oo adayg kaaga soo go’a’e Gurmad weeye loo galo dan qaran amase tii guude Gudoon saxa aqoon weeye iyo garasho dheeraade Gacal waxay yihiin geesigoo gogol wadaagaane Waa geed ku baxa baa la yidhi dhiiga geesiga’e Gaari iyo halyey baw dugsi ah gawre dhaxameede Gabaadkii dabayl kaaceshiyo galangal weeyaane Shaal garabka kuu saaraniyo guudka waa sharafe Gurgurshaa hayina geedigiyo waa gardaadshaha’e Gurac laga ilaashiyo midnimo waa gadaafaha’e Runtoo gacan la siiyiyo xaqoo garab la saaraaye Waa geed goboo la hadhsadaa goor kuleyle ahe Midhaheeda waxa goosan kara amaba gaadhaaya Qofkuu Eebe garansiinayee waajibkeed guda’e Ma xaslado xigaalkii gujiyo xaasid gaamuray Aftartaa tilmaan gobanimaan kaaga soo guraye Gunimona waxay tahay hadaan gacan togaaleeyo Gefka waa islaam laga galiyo guule amarkiise Golqaniinka waa dulin arlada geliya weesaaqe Gabood falista iyo waa cadliga oo la gaasiro Garsoorkoo xaqii ka ambadiyo xaakin eex galaye Adigoo gasiin iyo u heli gogol inaad siiso Waa gaajobeel li’i martida goor xun kuu timiye Safar gudaya goobaar cidla’a waaka gees mara’e Gabayoox dhalaan iyo haween daadin waa geli’e Gayaxayn runtoo lagu xidhiyo waa gardiidnimo’e Denbi iyo nimaan eeba gelin gaalshirow dirada Gaagixinta waa qaran guntaday goynta waaxyaha’e Masuul gabey xilkii loo egmoo gole ka rooraaya Ka go’doonsha weeyaan dadkuu gaadhka ka ahaaye Kala geynta weeyaan xigaal goobo wada yaale Gashi iyo midkii aano gala godobta weeyaane Guux baa arlada kaaga baxa galow dhawaaqiise Waa qaan guntiga kuugu xidhan oon go’ayn abide Kumaa goba kuma guna kumaa heedhe garanwaaya? Afartaasna gaaguuf murtida gig iyo liishaan dhe Goolaaftankii ay gunimo gob is haleeleen dhe Gun nin yidhi gantaalkii ku dhacay galabsigiise dhe Gunimada gamuun lagu dhuftiyo runiyo guusheed dhe Gardarada ragaa ugu xidh-xidhan jeelka gudihiisa Garyaqaan u doodiyo dulmane gob iyo caadeed dhe Gabay uu abwaan xori tirshiyo gar iyo miisaan dhe Iska soo mar geestaad rabtiyo gabayadii Qaasim Galabsiga tixdii Ina Miriyo gabay awaadhkii dhe Gaheyr iyo sidii Ina Huriyo Galow la’aan Saalax Gamuute iyo geeraaraduu gaalka kula dooday Gudi baxay miduu Faarax Nuur talo ku gaadhsiiyey Garnaqsigii Qamaan iyo tixduu Cali garwaaqsiiyey Gaallays gunimo uu la dhacay godanihii Aadan (afqalooc) Gurmadkii Salaan uu col baxay gaan ku kala baajay Goohii Suldaan Timacadiyo gaaxdi ina Mumin Guubaabadii Gadhliyo Gaariyiyo geesigii sugule Dhoodaan tixdii gudbiyo saw ku garanmaayo Ma Gil-gilo duqaydiyo tixdii Maxamed Guuleed dhe Gidigood anaan magac dhebayn qalina gaadheynin Godka lagu janeeyadan waxaan maansadow geliyey Waa inaan wixii naga gedmaday gelino diinwaane Gundhig iyo markhaatay u tahay goor la soo maraye. Oo waa godol xusuusiyo murtida gurada noo taale. Waxaanse gabay ku soo koobayaa yey ku gees marine Gafanuhu gabaaray marwaa dhuubanoo godane Gosha wuxuu ka buuxshaa khalqiga dhiig ka soo go’aye Markase uu golaha buuxsadaa haraga giijaaye Gudi baxay rag guurtiya markii golaha loo saaro Oo aad gudoonshaha u tahay gar iyo xeer beegti Lama gowdhiyee hadalka waa xubinta uun gooye Gubni ciidan guuto iyo gaas ururo gaadiid ah Ujeedada ragaas loo guree looga dhigay geeshka Waa inay dab gaadhliyo noqdaan kii difaac gala’e Mar haday gadaal ugu noqdaan gurada mooskooda Oo uu jananku giiryaale yahay fulin go’aan leexsan Gobanimiyo way naaqista sharaf la gaadhaa dhe Kumaa guna kumaa goba kumaa heedhe garanwaaya? …….Wa bilaahi towfiiq…..Gabayga Magaciisu waa KUMAA GOBA-KUMAA GUNA, Qaran News Share this post Link to post Share on other sites