Deeq A. Posted May 5, 2019 Maxammed Kaahin iyo Xusuus hore. Waa Khamiis,18/03/2004 wax aan ka degay Garoonka Magaalada Hargaysa halkaas oo aan fasax gaaban ku gaadhay. Jimce, 19/03/2019 waxaa dhacday arrin Dhiilo ah. Koox dablay Argagixiso ah ayaa Deegaanka Dhubato waxay Jidgooyo ugu galeen Nin Jarmal ah iyo Gabadh Kiiniyaan ah oo ka ahaa Shaqaale Haayada Jarmalka ee GTZ iyaga oo ku sii jeeday magaalada Berbera. Gaadhigii ay wateen Ninkii Jarmalka ahaa Xoog buu ku dhaafiyay Kooxda Argagixisada ahayd hase yeeshee Rasaastii ay ku rideen waxaa ku naf wayday Gabadhii Kiiniyaanka ahayd halka Ninkii Jarmalka ahaana dhaawac fududi soo gaadhay. Wakhtigaa waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa Ismaaciil Cismaan Aadan (Ismaaciil Yare), Taliyaha Booliiskuna wuxuu ahaa AHN General Maxammed Cige oo ahaa Sarkaal khibrad badan u lahaa shaqada Booliiska. Waxaa dhacday markii arrinkan dhiilada lihi dhacay Xisbiga Kulmiye oo wakhtigaa mucaarad ahaa islamarkaasna Talo ka yaqaanay ku jiqsii iyo mucaaradnimo Macangagnimo ah ayaa sidii caadada u ahayd Xukuumada ku eedeeyay in Amnigii faraha ka baxay, in Xukuumadu ku fashilantay Amniga Dalka iyo Hadaladii iyo Ficiladii qarandumiska ahaa ee ay Hadh iyo Habeen la daba taagnaan jireen Xukuumadii Rayaale. Ismaaciil Yare oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha oo Amniga Dalku hoos imanayay ayaa u jawaabay Kulmiye islamarkaasna Kulmiye si adag u duray. Subaxdii ku xigtay wax aan tegay Hudheel la odhan jiray Ming Sing halkaas oo aan Nin aanu ehel nahay kula kulmayay. Aniga iyo Ninkii oo halkii ka shaahayna isna waraysanayna waxaa daf na soo yidhi, Nin Shaadhka Badhamadu si akhlaaq daran ugu furan yihiin, Dhaqan xayraan iyo Yafyafnimo ka muuqato oo Afka ka xumbaynaya. Wuxuu soo abaaray Ninkii ila fadhiyay, isaga oo duryamayana wuu na salaamay. Hadal badan oo Aflagaado, Dhaar iyo Haaraan isugu jiray meeshii ka shub. Ninkii ila fadhiyay buu isagoo weliba dhaaranaya ku yidhi “East Burco Clan haddaanu nahay Hargaysa haddaanu ka guuraynaa, Nin nagaga hadhi maayo”. Ninkii baa ku yidhi ‘oo Maxaa dhacay eed uga guuraysaan Hargaysa’. Kuye “Ismaaciil Yare ayaa yidhi East Burco Clan ayaa Falka Argagaxiso ka dambaysay markaa Magaalada waanu uga guuraynaa”. Qaaqdaasu hayaa, Qawlalada ayuu ka xumbaynayaa, Dibnaha gargariiraya, indhaha cascas, hadalkiisu wuu iska wada hor iyo daba imanayaa, caadifad darteed buu mararka qaarkood shigshigayaa. Waad yaabaysaa mooraal xumida iyo rajo la’aanta ka muuqatay. Ninkii baa ku yidhi waar bal Shaydaanka iska naar, Ismaaciil Yare na anigaa la balansanoo la hadli doonee. Anigu Ninka gartay inuu East Burco Clan yahay, inuu Kulmiye yahayna markiiba gartay laakiin intaas dhaafin maayo garashadiisa. Ninkii aan la fadhiyay ayaa igu yidhi intaanu naga dhaqaaqin Ninkan miyaad garanaysaa markaas baan ugu jawaab celiyay maya. Wuxuu ii sheegay inuu Mujaahid Maxammed Kaahin yahay. Naftaydaan hoos ugula shawray“Wadhi, ma Kan baa Maxammed Kaahin ka la sheegaana”. Nasiib wanaag Kooxdii Argagixisada ahayd waxaa baxsadkoodii lagu qabtay Tuulada Dhoqoshay oo markaasi maqalkeeda aniga iigu horaysay. Waxaana runtii hawlgal balaadhan sameeyay Ciidanka Booliiska iyagoo kaashanaya shacabka ku noolaa Deegaanadii loo tuhmayay inay sii dhexmarayeen. Tuulada Doqoshay iyo shacabka degani hawlgalkaas oo ay gacan wayn ka gaysteen waxaa Xukuumadii Daahir Rayaale ku abaalmarisay Mashaariic horumarineed oo ay ka mid ahaayeen Dhismaha Dugsi, Xarun Caafimaad (MCH), Xarun Booliis iyo weliba lacag Kaash ah oo dhamayd $20,000 taas oo loo qaybiyay Dadkii Deegaanka Doqoshay oo la siiyay $12,000 iyo intii kale oo loo qaybiyay Ciidamadii Booliis iyo Militariga ee Hawlgalkaas ka qayb qaatay. Muddo ka dibna waxaaban arkay isagoo Madaxweyne Daahir Rayaale u hanjebaya oo ku leh “Dhenged baan Madaxtooyada kaaga soo saari doonaa”. Ninkaas aragiisa Qabyaalad iyo cunfi baan ku xasuustaa. Arrinkan waxaan ku soo xasuustay iyadoo hadda 15 sanno laga joogo waxaan Maanta 04/05/2019 daawaday Shir Jaraaid oo uu qabtay kuna saabsan labadii Sarkaal ee lagu dilay Deegaanka Galbeedka Sanaag kana soo jeeday Gobolka Awdal kuwaasoo loo dilay Aano Qabiil. Maxammed Kaahin isagoo Kursigii Wasiirka Arrimaha Gudaha ku fadhiya Maanta islamarkaasna masuul ka ah Amniga Qaranka wixii uu ku hadlay ee iska hor iyo dabo imanayay, ee Qabyaalad lahaa, ee Hanjebaad lahaa, ee Catoow iyo Cadho lahaa waad maqlayseen. Xataa markaad u fiirsato Afsomaliga uu ku hadlayay ayaa shaki leh, tusaale ahaan Wuxuu yidhi markuu ka hadlayay dhacdadii foosha xumayd ee Saraakiisha lagu dilay, bal hadda idinku macneeya. “Arrinkani Nabadgelyo darrada iyo Xasilooni darrada ayuu dhaawac ku yahay”. Markaad hadalkan oo isaga Afkiisa kasoo baxay u fiirsato Waxaad iswaydiinaysaa waxa Nabadgelyo darrada iyo Xasiloonida darrada dhaawaca ku ihi soo wax wanaagsan maaha marka Nabadgelyo iyo Xasilooni la rabo. Jawaabtu dabcan waa haa. Markaa taloow muxuu uga jeedaa, idinkaan idiin dhaafay falanqaynta hadalkaas. Waxa kale oo hadaladiisa ka mid ahaa:- “Gudoomiye Cirro aniga iyo reerkayga ayuu u jeeday”. Miyaad maqlayseen meel u Cabdiraxmaan Cirro reer East Burco Clan la yidhaahdo ku soo hadal qaaday?. Gudoomiye Cirro isaga ayuu ku cannaantay in aanu xilkiisa gudan, labada Sarkaalna la badbaadin kari lahaa haddii loo gurman lahaa iyadoo xaalkooda Xukuumadu la socotay. Haddii aan isaga warkooda lasoo gaadhsiin Cirro waxba kama khuseeyaan Waayo mar walba isaga oo ah Wasiirkii Amniga ayaa u qoolan, hadduu Damiir Qaranimadan uu ka hadlayo leeyahay, dhaawac baa Qaranka soo gaadhaye ha is casilo. Gudoomiye Cirro iyo Xisbiga Waddani waxaan u soo jeedinayaa inay u jawaabaan, hadalka uu isagu ku hadlay oo aan midh lagu darin ayaa Madaafiic lagu garaaco ugu filan. Maxammed Aw Yuusuf guun51@hotmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites