Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad go’aan ka gaartay eedeysanayaal loo haystay dacwooyin Musuq-maasuq

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxkamad-sii-daysay-eedeysanayaal_DF-1.j

Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir, ayaa maanta go’aan ka gaartay dacwad loo haystay saraakiil ka tirsan Dakadda Muqdisho iyo ganacsade, kaddib markii la hor-keenay maxkamada gobolka Banaadir.

Maxkamada ayaa saraakiil ka tirsan dekadda Muqdisho iyo ganacsade horay loogu xukumay xabsiyo kala duwan waxay sheegtay inaanay wax dambi ah galin, kaddib markii xafiiska Xeer-ilaalinta uu maxkamadda hor-horkeeni waayay cadeymo ku filan dambiyada lagu soo eedeeyay xubnahaan.

Eedeysanayaasha dambiga lagu waayay ayaa waxay kala ahaayeen; Axmed C/llaahi Samow, Col. Maxamed Maxamuud Xuseen, Cali Cilmi Geelle,Ciise Faarax Camalow iyo Cali Dhuxulow, kuwaasoo maxkamadda gobolka Banaadir ay horay ugu riday xukun min saddex sano oo xabsi ah kaddib markii lagu eedeeyay is-daba-marin dhanka canshuuraha ah.

Sidoo kale, Maxkamada ayaa shanta eedeysane amartay in xuriyadooda dib loogu celiyo halka ay laba eedeysane oo maqan ay dacwadoodo ku celisay maxkamadda darajada koowaad, maadaama aan loo marin hab-raaca dacwadaha dadka maqan, sida soo qabasho ama baafin.

Gudoomiyaha maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir, garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa akhriyay go’aaanka maxkamadda, iyadoo hay’adaha ay khuseyso arrintaan lagu amaray inay xorriyadooda dib ugu celiyaan shanta xubnood ee dambiga lagu waayay.

Ugu dambeyn, Eedeysanayaashan dambiga lagu waayay ayaan warbaahinta la hadlin, waxaana ay muddo sannad ku dhaw ku jireen xabsiga dhexe ee Xamar, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan muddadii lagu hayay xabsiga.

Maxkamad-sii-daysay-eedeysanayaal_DF-4.j Maxkamad-sii-daysay-eedeysanayaal_DF-3.j Maxkamad-sii-daysay-eedeysanayaal_DF-2.j

PUNTLAND POST

The post Maxkamad go’aan ka gaartay eedeysanayaal loo haystay dacwooyin Musuq-maasuq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this