Sign in to follow this  
Deeq A.

SHACABKA Muqdisho oo wajahaya halis ka timid ciidamada booliska Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wax kayar 48 saac magaalada Muqdisho waxay gashay xaalad cabsi iyo qal qal ah oo ay wajahayaan Shacabka iyo Wariyayaasha waxayna dhibaatooyinkaan ka imaanayaan Booliiska Soomaaliya.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Isbadal lagu sameeyay Ciidamada Booliiska ee ka shaqeeya Isgoysyada Muqdisho, waxaana la dhigay Ciidamo cusub oo si xun dadka kula dhaqma.

Jirdil iyo hanjabaad ayaa ah waxa ugu yar oo ay Ciidamadaan ku sameeyaan shacabka, halka qaar kood-na rasaas ku furaan dadka Shacabka iyo qal qal xoog leh oo ay ku beeraan dadka iyo degaanka.

Ciidamada Booliiska ayaa maanta falkii ugu dambeeyay oo jirdil ah u geestay Wariyaal katirsan Radio Kulmiye oo lagu magacaabo Farxaan Maxamed Xuseen iyo Cameraman Maxamed Cabduqaadir Jiinow oo ka tirsan qaybta maamulka ee Radio Kulmiye.

Ciidamadaan ayaa sidoo kale shalay Jirdil iyo hanjabaad u geestay Xuseen Cabdulle Maxamed oo ka tirsan Radio Kulmiye mana jirto ilaa hada cid wax ka qabatay tacadiyada Booliiska.

Boqolaal shacab ah oo kamid ah bulshada ku nool magaalada Muqdisho ayaa wajahaya Qatar aad u daran oo ka imaanaysa Booliiska Soomaaliya. Masuuliyiinta amniga ilaa hada ma jirto tilaabo ay qaadeen oo arintaan lagu xalinayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this