Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey shirka Garoowe iyo qodob lama filaan ah oo caqabad noqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wada-hadallada madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa dib u billaabmay caawa kadib markii galabta qorax dhici loo hakiyey salaadda maqrib.

Wararka naga soo gaaraya kulanka ayaa sheegaya in maanta si aad ah wada-hadallada looga hadlay xiisadda ka dhex ooggan dowladda federaalka iyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Sida aan xogta ku helnay, madax goboleedyada Puntland, Jubaland iyo Galmudug ayaa dalbaday in xal laga gaaro arrinta Xaaf iyo dowladda, ka hor inta aan la guda gelin qodobada kale ee horyaalla shirka.

Dalabka maamul goboleedyada ayaa lama filaan ku noqday madaxda dowladda, oo aan ku talo-galin in arrinta Xaaf ay qeyb ka noqon doonto ajandaha.

Madax goboleedyada ayaa dowladda ku eedeeyey inay dagaal ku hayso Xaaf, islamarkaana ay gabbaad u tahay gadaalna ka riixdo madaxweyne ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamanka Galmudug oo Xaaf kasoo horjeestay.

Dhinaca kale, Xaaf ayaa sidoo kale cabasho ka muujiyey lacago dowladda ay ka xayirtay oo isugu jira qaar ay dowladda ku caawiso dowlad goboleedyada iyo deeqo ka yimid beesha caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda laga dalbaday inay bixiso damaanaad qaad ku aaddan xalinta arrimaha uu ka cabanayo Xaaf, ka hor inta aan shirku horey usii socon.

Ilaa iyo hadda ma cadda go’aanka laga gaaray arrinta Xaaf, hase yeeshee waxaa wararku sheegayaan inuu jiro dareen guud ee madaxda dowladda ay ku muujiyeen inay dyaar u yahay inay soo afjaraan dagaalka Xaaf.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this