Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo oo tagay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynihii Hore Ee Dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo ayaa maanta Booqasho Ku Yimid Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo oo imikana ah Guddoomiyaha hay’adda Brenthurst Foundation oo ka shaqaysa horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta nidaamyada caalamiga oo xarunteedu tahay dalka South Africa oo waddanka ku yimid marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Somaliland.

Ugu horayn Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu uga mahadnaqay booqashada uu ku yimid Somaliland, waxaanu warbixin guud ka siiyey Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland iyo wakhtigan halka ay marayso.

Waxaanu madaxweynuhu u sheegay Olusegun Obasanjo, in shacbiga Somaliland xasuusan yahay guddidii xaqiiqo raadiska midawga Afrika u soo diray 2005-tii Somaliland oo uu ahaa gudoomiyihii midawga Afrika ee xiligaas, si ay uga sameeyaan warbixinno la xidhiidha qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland, maanta oo uu ku sugan yahay Somaliland-na ay guud ahaan indhaha Somaliland muddo 28 sano ah ay soo eegayeen madaxda, siyaasiyiinta iyo odayaasha Afrika ee uu ka midka yahay, kana dhursugayaan sidii ay Afrika uga heli lahaayeen waxa ay ka mudan yihiin oo ah aqoonsi ay ka helaan afrika inteeda kale iyo beesha caalamka.

Madaxweyne Olusegun Obasanjo oo xukunka dalkiisa hayey intii u dhaxaysay 1999-2007-kii, islamarkaana Midowga Afrika hoggaaminayey intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2006, ayaa safarkiisani waxa uu qaadan doonaa muddo laba maalmood ah, isagoo booqan doona xafiisyo kala duwan oo dawladdu leedahay.

Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay madaxweynihyihii hore ee dalka Neyjeeriya Olusegun Obasanjo, ayaa waxa ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali waraabe), wasiirrada arrimaha gudaha, iyo hawlaha guud, wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, wakiilka Somaliland u qaabilsan midawga Afrika, maayarka caasimada Somaliland iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada.

58909850_2153904548056720_65929234224083 59347740_2153901834723658_42196619593619 59392665_2153906111389897_66190233717304 59419449_2153904624723379_40696639760556 59519537_2153904044723437_46467978313387 59537048_2153906641389844_62660778499967 59566286_2153904564723385_83837777294550 59608858_2153903234723518_72508055447792 59638979_2153902931390215_22006214429476 59770403_2153906028056572_69522939059791 59842827_2153905581389950_24140749395323 60046016_2153905124723329_18520363395165

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this