Deeq A. Posted May 5, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaan hambalyo ku aaddan sannad guurada 17aad ee aasaadka Radio Shabelle u dirayaa dhammaan maamulka iyo shaqaalaha idaacadda oo muddadaas kusoo shaqeeyay duruufo adag. Muddada ay shaqeynaysay Idaacaddan waxaa iyaga oo shaqo maalmeedkooda ku guda jira la dilay 14 kamid ah shaqaalaha oo ay 3 kamid ah ahaayeen agaasimeyaal. Eebe ha u naxariisto dhammaantood. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an adkaynta xuquuqda Dastuuriga ah ee xorriyadda hadalka, waxayna diyaar ula tahay in ay bahda warbaahinta kala shaqe eyso sidii loo ilaalin lahaa bad-qabka wariyeyaasha, caddaaladdana loo horgeyn lahaa kuwa ku xadgudba. W/Q:-Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites