Deeq A. Posted May 5, 2019 Muqdsiho (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaalaha iyo maamulka sare ee Shabelle oo maanta xusaya sanad guurada 17-aad ee ka soo wareegtay aas aaska Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Shabelle ay tahay Hormuudka Warbaahinta dalka, maadama dhidibadda loo muday iyadoo aysan jirin Warbaahin badan. Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kula dardaarmay maamulka Shabelle in ay sii wadaan dadaalka ay kor ugu qaadayaan wacyiga bulshada Soomaaliyeed. Shabelle intii ay jirtay waxaa ay soo martay marxalado kala duwan, daruufo aad u qalafsan oo xittaa la’isku dayay in lagu aamusiyo, balse himiladaasi aysan suurtagalin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites