Deeq A. Posted May 5, 2019 Shirka wada-tashiga ee madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dawladdaha xubanaha ka ah Federaalka ayaa daqiiqado ka hor ka furay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe. Shirka waxaa furay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qayb ka ahaa, Ra’iisul Wasaare Kheyre, madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo duqa Muqdisho. Shirkan oo ay martigelisey Puntland ayaa gundhigiisu yahay wadatashiga dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah. PUNTLAND POST The post Shirkii Garowe oo furmay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites