Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo afduubtay Mas’uul sare oo ka tirsan Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Buurdhuube (Caasimadda Online) – Sida ay wararka ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, kooxo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa afduubtay Mas’uul sare oo ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Mas’uulka la afduubtay ayaa wuxuu ahaa Madaxii Wasaarada Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee u qaabilsanaa Gobalka Gedo.

Marka ay kooxda Afduubanayeen Mas’uulkaan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ku mashquulsanaa diyaarinta imtixaanka Dugsiyada Sare  ee wasaaradda Waxbarashada Maamulka Jubbaland.

Mas’uulkaan la afduubtay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Maxamed Ibraahim, wuxuuna ka yimid Buurdhuube oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Maxamed kala dagay gaari uu saarnaa, Weli illaa hadda si rasmi ah looma ogo halka ay AL-Shabaab geeyeen Mas’uulkaan la afduubtay.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo iyo saraakiisha Ciidamada weli kama hadlin afduubka Madaxii Wasaarada Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee u qaabilsanaa Gobolka Gedo.

Sidoo kale Kooxda Al-Shabaab kama aysan hadlin afduubka loo geystay Madaxii waxbarashada Maamulka Jubbaland ee Gobolka Gedo.

Wararka ugu dambeeyo ee soo gaarayo Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu socdo wadahadal lagu doonayo inay Al-Shabaab kusoo daayaan Mas’uulkaan iyadoo loo marayo odayaal ay isku beel yihiin oo ka tirsan Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Buurdhuube
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this