Deeq A. Posted May 5, 2019 Shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland. Shirkan waxaa furay madaxweynaha dowladda federaalka ah, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka qeybgalaya ra’iisul wasaare Xasan Cali iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira. Waxaa shirkan inta uu socdo looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka, Dastuurka, ammaanka iyo sidoo kale cadaaladda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites