Deeq A. Posted May 5, 2019 Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Ugu horreyn guddoomiye Yariisow ayaa shaqaalaha iyo maamulka sare ee Shabelle la wadaagay hambalyada sanad guurada 17-aad ee aas-aaskeeda. Eng. Yariisow ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in marxalado adag oo uu dalka soo maray iyo kuwa gaar u ah Idaacadda Shabelle ay ku soo shaqeysay. Shabelle oo haatan 17 jir satay ayaa ku tallaabsatay muddadii ay jirtay hormaro kala duwan oo dhanka Warbaahinta ah, waxaana dhawaan si toos ah hawada u soo gali doona TV-ga Shabelle oo laga daawan doono dunida dacaladeeda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites