Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo Falastiini Iyo Ilmaheeda Oo Lagu Dilay Duqeymo Ka Dhacay Marinka Qasa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaza)-Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Qasa ayaa sheegtay inay Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda duqeyn ba’an ka geysteen qeybo ka tirsan magaalada Qasa, iyadoo mid ka mid ah weeraradaasi lagu dilay Hooyo Xaamilo ah oo la oran jirey Falastiini Abu Arar oo 37-jir ahayd iyo cunageeda ooh al sanno ahaa.

Duqeyn-696x420.jpg

Duqeynta lagu dilay Hooyadaasi iyo ilmaheeda ayaa waxa uu ka dhcaay Deegaanka Zeytuun ee Bariga magaalada Qasa, iyadoo duqeyn kalena lagu dilay Marxum la oran jirey Cimaad Naasir oo 22-jir ah, iyadoo 19-kalena lagu dhawaacay.

Dagaalamayaasha XAMAAS iyo Jihaad Islaami waxay iyagana ilaa 200 Gantaal ku duqeeyeen magaallooyin iyo Tuullooyin ku yaalla Koonfurta Yuhuudda

Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda waxaa la sheegay inay duqeeyeen 70 bar-tilmaameed oo ku yaalla Marinka Qasa.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maamulka Falastiin waxay ugu baaqeen Golaha Ammaanka ee QM inay si wadajir ugu baaqaan Yuhuudda inay joojiyaan duqeymaha ay ku hayaan Marinka Qasa.

Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe waxay ku baaqeen in la joojiyo dagaalka, iyadoo QM ku baaqday deganaansho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this