Deeq A. Posted May 5, 2019 (SLT-Hakari)-Afar askari ayaa la dilay, 2 kalena waa la dhaawacay, kadib markii Ciiddanka Turkiga iyo Maleeshiyadda Kurdishka ee YPG uu dagaal ku dhex maray DegmaddaTel Rifaat ee Waqooyiga Suuriya iyo weerar Hoobiyayaal lala beeegsaday saldhig ay Millateriga ku leeyihiin Gobalka Hakari ee K/bari ee Turkiga. Askarta la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Sarkaal ay darajadiisu ahayd Gaashaanle, halka Sarkaal kale oo Gaashaanle Sare ahaa uu si xun ugu dhaawacmay weerarkaasi. Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa lagu xaqiijiyey khasaaraha soo gaaray Ciiddankooda, balse waxay sheegtay inay qadaeen weerar aar-goosi ah, kuna dileen 28 ka tirsan Maleeshiyadda YPG iyo kuwa PKK. Source Share this post Link to post Share on other sites