Deeq A. Posted May 5, 2019 Muqdisho (SMN) – Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed oo ku hadlayay magaca Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shaqaalaha iyo maamulka Shabelle ugu hambalyeeyay sanad guurada 17-aad ee Aaska Aaska Radio Shabelle. Agaasime C/nuur ayaa xusay in Shabelle ay u soo dhabar adeegtay dhibaatooyin badan oo ay goob joog u soo ahaayeen dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu geesiyaal ku tilmaamay shaqaalaha iyo maamulka Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo muujiyay karti iyo dulqaad. Dhanka kale waxa uu tacsi u diray dhammaan Wariyeyaashii la dilay ee ka tirsanaa howlwadeenada Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. Hambalyo ka imaaneysa madax, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo gaareysa xarunta shabakadda Warbaahinta Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites