Sign in to follow this  
Deeq A.

Taabit Cabdi Maxamed oo shaaca ka qaaday qorshaha xisbigiisa cusub ee PPP

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shalay diiwaan-geliyey xisbi siyaasadeed cusub oo la magac baxay Xisbiga Awoodda Shacabka (People’s Power Party).

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaran Xaliima Ibraahim Ismaaciil ayaa shahaadada aqoonsiga KMG ee diiwaangelinta guddoonsiiyay Cabdullaahi Cilmi Xaaji Ereg oo ah Guddoomiyaha KMG ee xisbigan.

Xisbiga awoodda shacabka waxaa hoggaaminaya, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir mudane Thaabit Cabdi.

Guddoomiye Thaabit oo la hadlay ayaa sheegay sababta ay xisbigan cusub ee PPP u aasaaseen iyo ujeedkooda.

“Dal waxaa uu horumaraa marka awoodda shacabka la siiyo, dal aanu dadkiisa awood laheyn ma horumaro, awoodsiinta umadda Soomaaliyeed ayaan ka shaqeyn-doonnaa” ayuu yiri Thaabit Cabdi.

Cabdi, oo haatan dibadda ku maqan waxaa uu intaasi raaciyey in dhowaan la qaban-doono xafladda daahfurka xisbiga taasi oo ka dhici-doono caasimadda Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this