Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo weerar kula wareegay saldhig ciidamada Kenya leeyihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandheera (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in rag hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada leeyihiin oo ku yaala duleedka magaalada Mandheera.

Saldhiga la weeraray ayaa ku yaala inta u dhaxeysa deegaanka Carabiya iyo degmada Mandheere ee dalka Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo saacado qaatay, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo halka weerarka uu ka dhacay ayaa sheegaya in ururka Al Shabaab halkaasi ay ku dileen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya, iyado aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee weerarka ka dhashay.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen muddo kooban gacan ku heynta saldhiga ay weerareen, walow markii dambe ay isaga baxeen, sida dadka deegaanka laga soo xigtay.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen  Baraha ay ku leeyihiin  Internet-ka waxa ay ku sheegeen in saldhiga Ciidamada Kenya ee ku yaalla Meel u dhow Magalada Mandheera ay weerareen,isla markaana ay la wareegeen.

Sarakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari dalkaasi weli kama hadlin weerarka Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga ciidamadooda ku leeyihyiin inta u dhaxeysa Magaalada iyo deegaanka Carabiya.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this