Sign in to follow this  
Deeq A.

Mohamed Kaahinow Laba kala daa: labada Ciidan Talisbaa ogaa ee Anigu ma Ogayn !!

Recommended Posts

Deeq A.   

ASC,
Wasiir labadaa talis Ciidan ayaa xukuma?

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amnigu uma hadal si masuuliyadeed.

Wuxu ku hadlay hadalo isburinaya oo markhaati ma doon u ah sheekadii uu dhawan wasiirka arimaha dibada iyo Madaxweynuhu kala soo noqdeen imaaraadka .Arrintaas oo maalintii yaab badan bulshada ka dhex abuurtey.

Maalintii ay soo laabteen waxa shirkaa jaraaid la inoogu sheegay in Imaaradka iyo Somaliland ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa amniga iyo la dagaalanka argagixisada.!! Cajiib. Goormay ka mid noqotey arga gixiso Imaaraat lagala hadlaa prioity ama muhiimada Somaliland?

Hadaba akhristow hadalka Wasiirkan gudaha iyo ifafaalaha fool eriga xukunka degdega ah, eedaymaha u wasiirkani ku miisayo xisbiga iyo gudoomiyaha wadani iyo habka loo hagraday badbaadinta labadaa marxuum waxay ku arroraysaa in uu jiro wax qarsoon .
Waxa la gelinayaa wadanka dagaal sokeeye oo aan laga wada tashan.
Waxana lagu socdaa in lagu shaabadeeyo hogaanka xisbiga wadani nabad diid loona xalaalaysto xukun qarqooshka ay ku xidhanyihiin qaar badan oo ka mida hogaanka xisbiga oo u xidhan maxaad u hadashay.

Waxan leehay waar waari mayside u tudh umada madaxweynoo adaa lagu doortey eh.
Kuwan dabka kaa ag shidaya ee khibradooda maareynta bulshadu aanay dhaafsanayn Malcaamad Quraan iyo xero jabhadeed ha ku sii dayn dadkaaga.

Mucaarid iyo muxaafidba adaa u madaxweyne ah.
Wasiirku wuxu noo sheegayaa qabiilkiisa iyo ka Ciro.

Meesha beesha dhexe keliya uma xidhnaa talada iyo qaranka waa la wada leeyahay ee kor u qaad bahasha.

Arrinta degdega ah ama emergency rule maxaad u gelinweyday Kalshaale; Gabiley ; Berbera iyo sooltii boqolka nin maalin qudha ku dhinteen ee Ethopia looga soo gurmaday?
Baroortu orgiga ka weyn.
Wa bIlaahi Tawfiiq.

H. Musa

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this