Sign in to follow this  
Deeq A.

“Wasiirkii Arrimaha Gudahana Waan Ahay Raggaa La Weeraray Ee Gar-adag Lagala Cararay Ee Ceelafweyn La Geeyay Maan Ogayn, Adna Ceeb Bay Kugu Tahay Qaranka Ceeb Bay Ku Tahay…” Siyaasi Mustafe Shiine

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyhii hore ee gobollada Awdal, Gabiley, Sool iyo maroodi jeex, Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

Shiine.jpg


Siyaasi Mustafe Shiine ayaa qoraal uu arrintaa kaga hadlay waxa uu ku yidhi:


Maxamed Kaahin mid baan lee yahay wasiirkii Arr. Gudahana waan ahay raggaa la weeraray we Garadag lagala cararay ee Ceelafweyn la geeyay maan ogayn, adna ceeb bay kugu tahay qaranka ceeb bay ku tahay in aadan ka warqabin, haddii aad ku adkaysatana waa masuuliyad daro, waa inaad is baraxdaa oo taliyihii Iyo Badhasaabkii warkaa kuu soo gudbin waayay ay maantaba maxkamad saaraadaan, adiga iyo jananada ciidamaduba waa in aad is casishaan oo haddii madaxweynaha aad meesha la haysatid ee uu ku dhawraayo u fududee.

Tan kale dafiraadani waxay dab ku sii shidaysaa Abtiyadaydii falka ay kuwooda xumi u soo jiideen iyo qoloda ay ka baxeen marxuumiintii dilka foosha xumi ku dhacay, hadalka xumi waxbuu sii fogeeyaa we ficil baa loo baahan yahay.
Fadlan is casil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this