Sign in to follow this  
Deeq A.

Dib u dhac kadib madaxweyne Farmaajo oo soo gaadhay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda soo gaadhay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Farmaajo ayaa sababo aan la shaacin socdaalkiisu saacado dib uga dhacay wakhtigii la qorsheeyay in uu yimaado Garoowe balse ugu dambeyntii makhribka ka hor soo gaadhay Garoowe.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isna duhurnimadii maanta soo gaadhay Garoowe waxaana haatan magaalada ku sugan dhammaan madaxda ka qeyb-gelaysa shirka Wada-tashiga xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shirka ayaa sida qorshaysan maalinta berriya ka furmaya caasimadda dowladda Puntland kadib markii uu maanta u baaqday dib u dhaca socdaalka madaxweyne Farmaajo.

PUNTLAND POST

The post Dib u dhac kadib madaxweyne Farmaajo oo soo gaadhay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this