Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Ah Oo Khadiib Ka Ahaa Masaajid Ku Yaalla Dalka Switzerland Oo La Soo Mustaafuriyey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Switzerkand)-Dowladda Switzerkand ayaa xaqiijisay inay Ninkaasi oo Khadiib ka ahaa Masaajid ku yaalla dalka Switzerland la soo masaafuriyey.

ddd-750x430.jpg

Masaafurintaasi ninkaasi ayaa la sheegay in lagala kulmay culays, kadib markii uu hore ugu adkeystay inuu yahay Muwaadin u dhashay dalka Ethiopia, balse Hay’addaha Socdaalka iyo Ammaanka ee dalkaasi, waxay soo xaqiijiyeen inuu yahay Muwaadin Soomaali ah.

Warbaahinta Switzerland ee Swiss info channel waxay maanta ka soo xigatay Hay’adda Socdaalka dalkaasi in la masaafuriyey Ninkaasi oo aan magaciisa iyo sawirkiisa la shaacinin, kadib, markii lagu helay inuu ka dambeeyey qalalaaso ka dhacay dalkaasi sannadkii 2017-kii.

Maxkamad ku taalla dalkaasi waxay 2 sanno ka hor amar ku bixisay in Khadiibkaasi la masaafuriyo, kadib, markii lagu helay inuu Khudbado aan sharci ahayn ka jeediyey Masjidka Al-nuur oo ku yaalla magaalladda magaalladda 6-aad ee ugu weyn dalkaasi ee Winterthur ee ku taalla W/Glabeed dalkaasi.

Maxkamaddu waxay kaloo ka mamnuucday Khadiibka aanu dib u soo gelin Karin dalka Switzerland muddo muddo 10-sanno ah, waxayna Maxkamaddu amartay in albaabadda loo laabo Masjidka Al-nuur oo ay ku tilmaameen in Dhallinyarada lagu baro waxa ay Reer Galbeedka ugu yeedhaan Xag-jirnimada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this