Deeq A. Posted May 4, 2019 Muqdisho (SMN) – Xilli maalma qura ay ka harsan tahay bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa diyaar garow xoogan laga dareemayaa suuqyada magaalada Muqdisho. Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ah ganacsatada ku dhaqan Caasimadda ayaa Shabelle uga warbixiyay, sida ay dadku isugu diyaarinayaan Bisha Ramadaan. Ganasadahani ayaa sheegay in Suuqu uu yahay mid saxmad badan, islamarkaana si wanaagsan ay u dukaameysanayaan macaashiisha. Dhanka kale Maxamed Axmed Maxamuud ayaa xusay in isbedal dhinaca qiimaha ah laga dareemayo raashiinka, bagaashka iyo Timirta. Waxaana uu sababeeyay sare u kacani u diyaar garowga bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan. Ramadaan oo ah bil ku weyn Ummadaha Islaamka ayaa dadka Muslimiinta ahi waxa ay isugu hamblyeynayaan bilashada bisha qeyrka badan ee Ramadaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites