Deeq A. Posted May 4, 2019 Muqdisho (SMN ) – Illaa saddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana 27-kii bishii hore lagu soo doortay magaalada Baydhbo ee xarunta gobolka Baay ayaa manta lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ee M/ Muqdisho. Xildhibaanada la dhaariyay ayaa kala ah:- Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye), Nuur Siidow Baaba Xasan iyo Cali Cadow Maxamed. Intaasi kadib Mudanayaasha golaha shacabka ayaa waxaa loo qeybiyay wax ka bedalka sharciga Batroolka, si au u soo marsiiyaan Akhrinta labaad. Ugu dmabeyn Xildhibaanada ayaa guda galay u codeynta illaa 8 Musharrax oo isu soo taagay buuxinta labo xubnood oo ka banaan guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites