Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Barre ” umaleeyn maayo in shirka Garoowe ay natiijo ka soo baxeeyso”

Recommended Posts

Deeq A.   


Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo kamid ahaa xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya haatana ah siyaasi Soomaaliyeed ayaa ka hadlay shirka maanta ka furmaya magaalada Garoowe.

Cabdi Barre ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid dowlada Soomaaliya ay ku dooneeyso in ay waqti kordhin ku sameeysato.

Dowlada Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay ku fashilantay in ay heshiis wada shaqeeyneed la yelatayd maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Siyaasiga Cabdi Barre Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in shirar hore oo sidaan oo kale ah u dhacay aanay ka soo bixin wax rajo ah isaga oo sheegay in kana uu la midyahay kuwii hore oo dhacay.

Beesha caalamka ayaa ku cadaadineeso dowlada Soomaaliya in siyaasad ku dhisan isfahan ay la yeelato madaxda maamul goboleedyada.

Maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa ka furmaya shir u dhaxeeya dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada.

Hoos ka Dhageeyso Codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke


Puntland Post Muqdisho

The post Cabdi Barre ” umaleeyn maayo in shirka Garoowe ay natiijo ka soo baxeeyso” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this