Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqsiyaadkii ugu badnaa oo loo maxkamadeynayo kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maxkamad ku taala magaaladaasi ay kasoo muuqan doonaan shaqsiyaadkii ugu badnaa oo loo heysto Kiiska Kufsi horey kaga dhacay Puntland.

Ku dhawaad 10 ruux oo loo heysto kiiskaasi ayaa lasoo taagay maxkamad ku taala magaalada Garowe, waxaana loo heystaa dilka iyo kufsigii magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaas oo reerkeeda ay ka guureen magaalada Gaalkacyo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay kiis kufsi ku saabsan oo lagu wareejiyay xeer ilaalinta maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in ay baaris dheer ku sameeyeen kiiska kufsi iyo dil Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaan Aadan oo ahayd gabar 12-jir, islamarkaana lasoo idleeyay kiiskaasi.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa intaa ku daray in macluumaadkooda ay ku wareejin doonaan Hay’adda Dambi baarista Puntland, si ugu soo diyaariso galdacweed dhameystiran.

Goobta Dacwadda lagu qaadayay ayaa waxaa ku sugan qeybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana 10-ka ruux la sheegay in loo heysto 7 dambi oo ku aadan dilkii iyo Kufsigii Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd gabadh yar oo wali qaangaarin.

Markii ay Maxkamado bilaabatay oo xeerilaalinta ay soo jeediyeen Eedeymaha loo heysto 10-ka ruux ayaa qareenaddii difaacayay ay Codsadeen in la siiyo Waqti ay kusoo diyaarsadaan Difaacooda iyo Cadaymo.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this