Deeq A. Posted May 4, 2019 Boosaaso (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay lagu weeraray Guri uu ka dagan yahay magaalada Boosaaso Sarkaal ka tirsan Ciidamada maamulka Puntland oo magaciisa lagu soo gaabiyay Qadaafe. Sarkaalkan ayaa waxaa la sheegay in Puntland uu u qaabilsan yahay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Buuraleyda gobolka Bari. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyay in wax khasaare nafeed ah uusan ka dhalan qaraxaasi, marka laga reebo burbur soo gaaray dhismaha Guriga Sarkaalka. Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay weerarkaasi. Baaritaanadan oo soo gaaray illaa saakay ayaa waxa aan weli jirin wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga ee dowlada goboleedka Puntland. Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid dagan, iyadoona Ciidamada ammaanku ay ku jireen feejignaan dheeri ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites