Deeq A. Posted May 4, 2019 Maxaas (SMN) – Ugu yaraan 6 ruux ayaa Geeriyootay oo afar ka mid ah ay Caruur ahaayeen, kadib markii rasaas la huwiyay Gaari nuuca raaxada oo marayay deegaan lagu magacaabo Kabteedan oo u dhow degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay shaqaaqadaasi tiro intaasi ka badan, sida xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Gaarigan ayaa waxaa saarnaa illaa saddex Qoys oo Ehel ah, kuwaas oo u safrayay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Kooxihii geystay falkan oo illaa hadda aan la aqoon ayaa markii dambana gubay Gaarigii ay la socdeen dadkaasi. Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Hiiraan, balse maalmihii dambe waxaa gobolkani ka taagnaa xiisad u dhexeysa Beelo wada daga halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites